UEFA oo sameysay isku aadka 8-dhammaandka Champions League.

Xiriirka kubadda Cagta ee UEFA ayaa maanta oo Jimco ah sameeyay isku aadka Siddeed dhammadka Horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League oo aysan kasoo muuqan doonin Kooxaha Juventus iyo Barcelona oo ay ka kala tirsan yihiin Cristiana Ronaldo & Lionnel Messi oo 11-jeer ku muteysay abaarlmarinta Ballon D’or.

- Advertisement -

Siddeeda Koox ee usoo gudubtay Champions League nasiibkana u yeeshay in ay ka qaybgalaan kooxaha usii hardamaya kasii mid ahaanshiyaha tartankaan ayaa kala ah: 1-FC Porto oo Portugal ah, 2-Borussia Dortmund oo Germany ah, 3-Paris Saint German (PSG) oo France ah, 4-Liverpool oo England ah, 5-Manchester City oo England, 6-Bayern Munich oo Germany ah, 7-Real Madrid oo Spain ah, 8-Chelsea oo England ah.

Kooxaha lama kala ilaalin doono sida marka la sameynayo wareegga 16-ka oo la kala dhowro in ay isku dhacaan kooxo isku guruub kasoo baxay iyo kuwa isku dalka ka dhisan, balse waa ay isku dhici karaan mar haddii loo gudbo wareegga siddeed dhammaadka.

Ciyaarta ugu dambeysa ayaa lagu qabanayaa Dalka Turkiga oo sanadkii lasoo dhaafay looga wareejiyay Portugal, maadaama uu faafitaanka Covid-19 oo saameeyay jadwal cayaareedka sanadkaas oo kulamada harsanaa lagu dhammeystiray.

Kooxaha ayaa isku aaday sidaan:

Manchester City vs Borussia Dortmund.

FC Porto vs Chelsea FC.

Bayern Munich vs Paris Saint German (PSG)

Real Madrid vs Liverpool

Kulamada qaar ayaa u muuqda in aan lagu degdegi karin saadaalintooda sida ay ku doodeen qaar kamid ah qubarada Cayaaraha, sababtu waxa ay ku sheegeen in kooxahaas ay yihiin kuwo adag oo qaarkood waaya aragnimo kaashanaya.

PSG Waxaa sanadkii hore koobka ka qaaday Kooxda lagu beegay ee Bayern Munich oo weli awood muuqata ku leh horyaalka, halka Liverpool oo labo sano kahor koobka ay ka fara maroogsatay Kooxda Real Madrid oo ah Naadiga ugu hanashada badan Koobkaan.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More