Muqdisho (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale.
Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo,…