TOP 10: Tobanka Xiddig Ee Ugu Seddexleyda

21 sannadood ayaan ku jirnaa qarniga 21aad, iyadoo durbaba ay isbedelo waa weyn ka dhaceen kubada cagta, waxaan maanta eegi doonaa xiddigaha dhaliyay seddexleyda ugu badan qarnigaan 21aad.

- Advertisement -

Shabakada Transfermrkt ayaa soo bandhigtay xiddigaha dhaliyay seddex gool ama ka badan hal kulan gudahiis waayahooda ciyaareed.

Waxaa kaalinta koowaad ku jira Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 57 seddexleey, wuxuu seddex seddexleey ka dheer yahay Lionel Messi oo isna 54 dhaliyay.

Ma jirto xiddig kale oo ku soo dhow labadaan halyeey iyadoo xiddiga kaalinta seddexaad ku jira ee Robert Lewandowski uu dhaliyay 29 seddexleey waayihiisa ciyaareed.

Waxaa kaalinta shanaad kuwada jira xiddigii hore ee Bayern Munich, xiddigii hore ee Schalke Klaas-Jan Huntelaar iyo xiddiga Man City Sergio Aguero oo min 18 seddexleey dhaliyay.

Kaalinta 8aad waxaa soo galay xiddiga AC Milan Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyay 17 seddexleey halka weeraryahanka Tottenham Harry Kane iyo weeraryahanka Man United Edinson Cavani ay dhaliyeen min 15 seddexleey waayahooda ciyaareed.

10ka Xiddig Ee Ugu Seddexleyda Badan Kubada Cagta Qarnigaan 21aad:

1. Cristino Ronaldo (57)

2. Lionel Messi (54)

3. Luis Suarez (29)

4. Robert Lewandowski (24)

5. Mario Gomez (18)

5. Klaas-Jan Hunterlaar (18)

5. Sergio Agüero (18)

8. Zlatan Ibrahimovic (17)

9. Harry Kane (15)

9. Edinson Cavani (15)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More