Terry, Gerrard, Keane Mise Kompany? KABTANKII Abid
Wargeyska caanka ka ah England ee The Sun ayaa markan sameeyay xulashada liiska kabtanada abid ugu fiicnaa horyaalka Premier League iyadoo ay akhristayaasha wargeyskaasi ka dhex doorteen kabtankii ugu fiicnaa ee horyaalka England ka ciyaara.
- Advertisement -
Liiskan kabtanada ah ayay kasoo muuqdeen Tony Adams, Vincent Kompany Steven Gerrard, Roy Keane, John Terry, Rio Ferdinand, Wes Morgan iyo Patrick Vieira.
Ku dhawaad 2600 oo qof ayaa dhiibtay codkooga waxaana ugu dambayn kasoo baxay hal guuleyste oo ah halyeeyga Manchester United ee Roy Keane kaas oo loo doortay kabtankii ugu fiicnaa ee Premier League soo mara.
Halyeeyga ree Ireland ayaa helay cod dhan 36% waxaana uu booska koowaad ku garaacay daafacii Chelsea ahna hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee John Terry oo isaguna 19% ku guuleystay.
Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Kompany oo 10 koob oo maxali ah kula soo guuleystay Manchester City uu booska saddexaad soo xidhay isaga oo kasoo hormaray Steven Gerrard, Patrick Vieira iyo Tony Adams oo dhammaantood cod 9% ah helay.
Keane ayaa ahaa hoggaamiyaha Manchester United ee sanadkii ay kooxdaasi ku guuleysatay saddexleyda Champions League, Premier League iyo FA Cup ee 1999.