Tababaraha Ay Doonayaan Ciyaaryahanadda Man United Inuu Bedelo
Ciyaaryahanadda Manchester United ayaa qalinka ku duugay inay doonayaan in tababare Mauricio Pochettino inuu bedelo macalinkooda haatan Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.
- Advertisement -
Warkaan ayaa daba socda ka dib markii shalay oo Khamiis ah la sheegay in Red Devils ay xiriir la sameysay macalinkii hore ee Tottenham si uu kooxda u hogaamiyo.
Tababaraha reer Norway ayaa loo ogolaaday inuu kooxda hogaamiyo kulanka Goodison Park ee ay Everton kula ciyaarayaan berri oon Sabti ah, iyadoo guuldarro soo gaarta ay keeni doonto inay u dhacaan kaalinta 17aad.
Sida ay sheegtay Daily Mail, Solskjaer ayaa weli taageero ka heysta ciyaartoydiisa inkastoo ay ka walaacsan yihiin haddii uu yahay ninkii ku hogaamin lahaa wadada saxda ah.
Waxaa la sheegay in haddii Man United ay ceyriso Solskjaer oo 47 sanno jir ah, in ciyaartoyda United ay taageeri doonaan go’aanka kooxda haddii ay keenaan Pochetitino.
Si kastaba, United ayaa halis ugu jirta inay seegaan saxiixa tababaraha reer Argentina kaasoo la sheegay inuu isbuucyadii ugu danbeysay wadahadal kula jiray koox weyn.
Mar uu ka soo muuqday Sky Sports habeenkii Isniinta, Pochettino wuxuu shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto shaqada tababare ka dib markii ay Spurs ceyrisay sannad ka hor.