Taajir Carbeed Oo Tartansiinaya Wayne Rooney & John Terry

Wayne Rooney ayaa tartan kala kulamaya John Terry iyadoo shaqada tababare ee kooxda Derby County ay miiska saaran tahay.

- Advertisement -

Milkiilayaasha kooxda Derby ayaa la sheegay inay la dhaceen shaqada caawiye tababare ee uu halyeeyga Chelsea ka hayo kooxda Aston Villa.

Xiddiga ugu goolasha badan abid xulka England Rooney oo 35 sanno jir ah ayaa haatan ah tababaraha ku meel gaarka ah ee Derby ka dib markii la ceyriyay tababare Phillip Cocu.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa Derby ku biiray bishii Agoosto isagoo u saxiixay qandaraas ka dhigaya ciyaaryahan iyo tababare.

Inkastoo Rooney uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka fariisto ciyaarista kubada cagta haddii loo soo bandhigo inuu si buuxda u noqdo tababaraha Derby hadana milkiilayaasha cusub ee la wareegaya kooxda ayaa doonaya John Terry sida ay sheegeyso Daily Mail.

Kooxda ugu hooseysa horyaalka heerka labaad ee Ingariiska ayaa waxaa ku dhow inuu la wareego Sheikh Khaled bin Zayed Al Nehayan oo ah xubin xarre oo ka tirsan qoyska boqortooyda Abu Dhabi isagoo ku iibsanaya heshiis 60 milyan ginni.

Waxaana la rumeysan yahay inuu doonayo inuu caawiyaha tababaraha Aston Villa John Terry ka dhigto tababaraha cusub ee kooxda Derby.

Laakiin haatan Rooney ayaa sii ahaan doona tababaraha ku meel gaarka ah ee Derby ka dib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay barbaro 1-1 ay la galeen kooxda Wycombe isbuucaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More