Sidee Ayay Noqon Doontaa Barcelona Haddii Uu Ka Tago Lionel Messi? –

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sheegay in aanay ‘macquul’ ahayn in Barcelona ay kubadda sii ciyaari karto haddii uu ka tago Lionel Messi oo ay suurtogal tahay in kulankiisii ugu dambeeyey ee Camp Nou uu xalay ciyaaray.

- Advertisement -

Xiddiga reer Argentina ayaa qandaraaska uu kula jiro Barcelona, waxa kaliya oo uu sii soconaya illaa inta ka hadhay ciyaartooda Axadda ay kula ballansan yihiin Eibar oo ay waliba marti u noqonayaan, taas oo ay kusoo xidhanayaan xilli ciyaareed niyad-jab badan iyagoo shantii kulan ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya guuleystay, laba ka mid ahna laga badiyey.

Celta Vigo oo garoonka Camp Nou ugu timid ayaa 2-1 ku garaacday xalay Barcelona oo gool la hormartay, isla markaana uu u dhaliyey Lionel Messi, waxaanay natiijadani tartanka horyaalka iskugu geysay labada kooxood ee reer Madrid ee Atletico oo hal guul kaliya u baahan iyo Actual Madrid.

Tababare Ronald Koeman oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa la weydiiyey haddii kulankani ahaa midkii ugu dambeeyey ee Lionel Messi uu ku ciyaaro Camp Nou, maadaama qandaraaskiisu dhamaanayo, waxaanu ku jawaabay: “Messi waxa uu dhaliyey 30 gool oo La Liga ah, waxaanu na siiyey dhibco badan oo La Liga  ah. Laakiin tani waa su’aal u taalla Leo. Aniga iyo kooxdu waxa aanu rajaynaynaa in uu sii joogo.

“Sababtoo ah, haddii aanu Leo halkan joogin macquul maaha in ay kooxdu ciyaari karto, waxaana uu shaki nagaga jiraa cidda goolal noo dhalin doonta.”

Si kastaba, Lionel Messi ayaa la sheegay in uu doonayo in uu u ciyaaro koox awood badan, waxaana lala xidhiidhinayaa Manchester Metropolis iyo Paris Saint-Germain.

Laacibkan ayay qorshihiisa ku jirtaa in uu mar kale ku guuleysto abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or, waxaana u muuqata in Barcelona aanay ahayn kooxdii uu mar  kale ku qaadi lahaa.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa rajaynaysa in Lionel Messi uu ogolaan doono, saxeexina doono heshiis cusub oo uu kooxdan kula sii joogo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More