Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich vs PSG – Xiddigo Waaweyn Oo Maqan,
Ku-celiska finalkii Champions League ee 2020 ayaa caawa la daawanayaa, waana Bayern Munich iyo PSG oo mar kale foodda is-daraya. Waa isla tartankii laakiin marxalad ka duwan maraya.
- Advertisement -
Kooxda reer Germany ayaa garoonkeeda Allianz Area ku qaabbilaysa PSG lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, iyadoo ay ka maqan yihiin ciyaartoyda Robert Lewandowski, Corentin Tolisso, Douglas Costa iyo Sergi Gnabry, hase yeeshee waxa usoo laabtay oo Jerome Boateng iyo Alphonso Davies oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii RB Leipzig ee Sabtidii.
PSG ayaa dhinaceeda uu ganaax kaga maqan yahay laacibka khadka dhexe ee Leandro Paredes, waxaase xaaladda kasii xumeeyey labada laacib ee Marco Verratti iyo Alessandro Florenzi oo uu ku dhacay korona Fayras.
Tababare Hansi Flick ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigii hore ee PSG ee Choupo-Moting oo buuxiyey booska uu ka dhaawacan yahay Robert Lewandowski, waxaan ka dambeeya oo ay iskaashanayaan Thomas Muller, halka uu Coman garabka weerarka kula soo bilowday.
Difaaca ayay kusoo wada bilowdeen Pavard, Alaba, Hernandes iyo Sule, waxaase kaydka kusoo bilowday laacibka orodka badan ee Alphonso Davies.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Bayern Munich XI is as follows: Manuel Neuer; Benjamin Pavard, Niklas Sule, David Alaba, Lucas Hernandez; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Leroy Sane, Thomas Muller, Kingsley Coman; Eric Maxim Choupo-Moting.
wali masoo bixin shaxda PSG