Shaxda Rasmiga Ah Ee Actual Madrid vs Sevilla – Hazard Oo Laga Saaray
Actual Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano waxay ku qaabbilaysaa Sevilla, waxaanay wax walba u samayn doonaan sidii ay u heli lahaayeen guul ay kula wareegaan hoggaanka horyaalka xilli saddex kulan oo kali ka hadhsanaanayaan xilli ciyaareedka.
- Advertisement -
Kaddib barbarrihii ay Sabtidii wada galeen Barcelona iyo Atletico Madrid, waxay fursad usoo baxday Actual Madrid oo u baahan in ay guuleysato kulamada u hadhay si ay horyaalka ugu guuleysan karto.
Zinedine Zidane ayaa kaydka u diray Eden Hazard qaab ciyaareed liita la yimid kulankii Chelsea ee toddobaadkii hore, isla markaana abuuray khilaaf kaddib markii uu qosol iyo farxad la wadaagay ciyaartoyda Blues.
Karim Benzema iyo Vinicius Junior ayaa ciyaartan kusoo bilowday, waxaana uu Zidane door-biday in laba weeraryahan oo kaliya uu ku ciyaaro, isla markaana uu awoodda saaro khadka dhexe.
Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro iyo Fede Valverde ayaa kusoo bilowday khadka dhexe, halka difaaca oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Mendy, Ramos, Carvajal iyo Varane ay dhinacyada taagan yihiin Marcelo iyo Alvaro Odriozola, halka Militao iyo Nacho ay difaacyada dhexe yihiin.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Actual Madrid beginning XI: Courtois, Odriozola, Militao, Nacho, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modric, Valverde, Vinicius Jr, Benzema.
Actual Madrid XI: Thibaut Courtois; Alvaro Odriozola, Eder Militao, Nacho Fernandez, Marcelo; Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Toni Kroos; Karim Benzema iyo Vinicius Junior.
Sevilla XI: Bono; Jesus Navas, Jules Kounde, Diego Carlos, Marcos Acuna; Fernando, Ivan Rakitic; Suso, Papu Gomez, Lucas Ocampos; Youssef En-Nesyri.