Shaxda Rasmiga Ah Ee Actual Madrid vs Osasuna – Zidane Oo isbeddello

Actual Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabbilaysa Osasuna, waxaanay raadinayaan guul ay ugu dhowaan karaan Altetico Madrid  oo galabta badisay, shan dhibcoodna kaga qabatay hoggaanka horyaalka LaLiga.

- Advertisement -

Los Blancos waxa kulankan ka maqan Sergio Ramos, Fede Valverde, Lucas Vazquez, Dani Carvajal iyo Ferland Mendy oo dhaawacyo iyo xanuun ku seegaya ciyaarta, laakiin Zinedine Zidane ayaa sameeyey isbeddello uu kaydka ku dhigtay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah maadaama Arbacada ay lugta labaad ee Champions League la ciyaari doonaan Chelsea.

Zidane ayaa kaydka dhigay Luka Modric iyo Toni Kroos, sidoo kalena Nacho ayaa fadhiya, waxaana kusoo bilowday Eden Hazard, Blanco, iyo Alvaro Odriozola.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Actual Madrid XI: Thibaut Courtois; Alvaro Odriozola, Eder Militao, Raphael Varane, Marcelo; Casemiro, Antonio Blanco; Marco Asensio, Eden Hazard, Vinicius; Karim Benzema.

Osasuna XI: Sergio Herrera; Nacho Vidal, Aridane Hernandez, David Garcia, Manu Sanchez; Lucas Torro, Jon Moncayola, Javi Martinez; Roberto Torres, Chimy Avila, Ruben Garcia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More