Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Chelsea & Tottenham Oo

Loollanka magaalada London ayaa sannadkan ka xoog badan sidii uu ahaa xili ciyaareedyadii ugu dambeeyey, waxaana hirdan badani u dhexeeyaa labada kooxood ee isku xaafadda ah ee Chelsea iyo Tottenham.

- Advertisement -

Garoonka Stamford Bridge ee woqooyiga magaalada London ayaa maanta lagu soo dhoweynayaa Jose Mourinho oo wata Tottenham oo uu guul u raadinayo, laakiin Frank Lampard oo ardaygiisa ahaan jiray ayaa isaguna ah macallinka Chelsea ee sida adag ugu diyaar-garoobay sidii uu macallinkiisa hore u dhex jiid-jiidhi lahaa garoonka.

Jose Mourinho iyo Lampard waxay u noqonaysaa markii saddexaad ee ay xili ciyaareedkan gudihiisa iskaga hor yimaaddaan, waxaanay labada hore ahaayeen tartanka Carabao Cup oo ugu dambayntii ay Tottenham gacanta sare yeelatay oo ay rikoodheyaal ugu gudubtay wareegga 16ka.

Ka hor kulankoodan, waxa ciyaartoyda labada kooxood laga sameeyey shax isku-dhaf ah oo boos walba xiddiga ugu wanaagsan loosoo doortay.

Wargeyska Daily Mail oo shaxdan ka sameeyey labada kooxood ayaa waxa uu goolhayaha usoo xushay Hugo Lloris oo bandhigga iyo kalsoonida uu kasoo sameeyey horyaalka gaar ahaan kulamada waaweyn ay yihiin heersare.

Waxa uu kasoo hormaray Keppa Arrizabalaga oo Lampard uu kaydka geliyey iyo Edouard Mendy oo tobankii ciyaarood ee uu u saftay Blues toddoba ka mid ah shabaqiisa nadiif ka dhigtay.

Sidaas oo ay tahay Hugo Lloris oo ah goolhayaha koowaad ee xulka qaranka France iyo Tottenham, ayaa kusoo baxay goolhayaha shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Difaaca ayay Chelsea ku yeelatay saddex laacib, balse waxa aan kusoo bixin shaxdan saxeexa cusub ee Thiago Silva oo si fiican ugula bilowday kooxdiisa inkasta oo uu bilowgii horyaalka sameeyey qaladaad.

Difaaca baalaha ayay labada laacib ee James iyo Chilwell oo Chelsea ahi kusoo baxeen halka difaaca dhexena ay wada joogaan Zouma iyo Dier.

Shaxda kooxda oo ka kooban 4-3-3, ayaa waxa khadka dhexe kusoo wada baxay N’Golo Kante, Hojbjerg iyo Mason Mount.

Weerarka ayay Tottenham ku yeelatay xiddigaha ugu badan, waxaana kusoo wada baxay Harry Kane iyo Son, halka uu garabka midigna joogo Hakim Ziyech.

Shaxda kooxda isku-dhafka ee labada kooxood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More