Shaxda Adag Ee Ay Man United Kala Hortagi Doonto Chelsea
Manchester United ayaa la ciyaareysa Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League berri oo Sabti ah iyagoo doonaya guulo kale oo cajiib ah.
- Advertisement -
Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa guul weyn ka soo gaartay Paris Saint-Germain kulankoodii Champions League ee bartamihii isbuucaan.
Marcus Rashford ayaa ahaa geesiga kulankii garoonka Parc des Princes iyadoo Bruno Fernandes uu rigoore kale dhaliyay.
Solskjaer ayaa kulankaas ku soo shirtagay shax ciyaareed 3-4-1-2 iyadoo shaxdaan cusub ay u muuqato mid anfaceysa ciyaartoy badan.
Daafaca Axel Tuanzebe ayaa amaan badan ku muteystay qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii PSG isagoo ka mid ahaa seddexda daafac danbe, wuxuuna aamusiyay Kylian Mbappe.
Codbixin ay shalay qaaday The Sun boqolkiiba 83 taageerayaasha Manchester United ayaa doonaya in Tuanzebe lagu soo bilaabo kulanka Chelsea.
Iyadoo Erick Bailly uu dhaawac ku maqnaanayo muddo bil ah, waxaa macquul ah in Harry Maguire uu ka mid noqdo seddexda daafac dhexe.
Kabtanka Manchester United ayaa wajahay cadaadis badan bilooyinkii uu joogay United isagoo ku fiican inuu qeyb ka noqdo seddex daafac dhexe iyadoo booska ugu danbeeya uu qaadan doono Lindelof.
Si kastaba, haddii uu Solskjaer doorto inuusan safin Maguire, wuxuu soo safi karaa Luke Shaw oo ka ciyaari kara garabka bidix ee seddexda daafac danbe.
Aaron Wan-Bissaka iyo Alex Telles ayaa la filayaa inay ka ciyaari doonaan garbaha, halka tababare Solskjaer ay qasab ku tahay inuu labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah ka soo xushay Paul Pogba, Scott McTominay, Fred, Donny van de Beek iyo Nemanja Matic.
Fred iyo McTominay ayaa lagu soo bilaabay kulankii PSG laakiin waxay u badan tahay in Pogba uu bedeli doono Fred.
Fernandes ayay hubaal tahay inuu ku soo bilaaban doono booska No.10 isagoo ka danbeynaya labada weeraryahan ee afka hore.
Dhanka weerarka waxaa ganaax ku maqan Anthony Martial ka dib casaankii uu qaatay kulankii Tottenham, halka Mason Greenwood la sheegay inuu dhaawac qabo inkastoo wararka ay sheegayaan in sababta kooxda looga saaray ay tahay dhaqan xumo iyo isagoo ka soo daahay tababarka.
Sidaasi darteed waxaa la filayaa in Edinson Cavani lagu soo bilaabi doono kulankiisii ugu horeysay isagoo ka garab ciyaaraya Marcus Rashford.
Shaxda Man United:
(3-4-2-1): De Gea; Maguire, Lindelof, Tuanzebe; Wan-Bissaka, Pogba, McTominay, Telles; Fernandes; Cavani, Rashford.