“Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, Balse DFS ayaa naga

Hogaamiye ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo ayaa sheegay in marxalad adag loosoo maray sidii looga saari lahaa Al-Shabaab kahor inta aysan soo gelin Gacanta Maamulka.

- Advertisement -

Sayid Aadan ayaa sheegay in dhammaan shaqsiyaadka ugu caansan Gobolka Gedo gaar ahaan Maamulka, Siyaasiyiinta, Odoyaasha iyo kuwo kale ay haatan joogaan Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah DG Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay abaabushay qabsashada Gobolka Gedo, isaga oo sheegay in Nabadsugidda Soomaaliya ay ku gorgortameyso joogitaanka Gobolkaas sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta Gobolka Gedo ayaa waayahaan miiska Siiraan, Gedo waa gobol kamid ah Jubbaland, markii la dhisayay maamulkaan waxaa Gobolkaas ka yimid 500-Ergo, marxalado kala duwan ayaa usoo marnay” Sidaasi waxaa yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Dhowr iyo toban sano ayay nagu qaadatay in aan Al-Shabaab ka xorreyno Gobolka Gedo, ilaa aan gaarnay in aan kaashano Dowladdii xiligaas jirtay, looma dulqaan karo waxa hadda ka socda, Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, balse Dowladda Federaalka ayaa naga xorreysay, waxa ay ku qabsatay dhalinyaro Xamar ay ka uruurisay”.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer soo bandhigay rabitaankiisa ah sidii gacantooda uu markale usoo geli lahaa Gobolka Gedo, waxaana ku sugan Ciidamo ay geysay Dowladda Federaalka.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More