Sawirro: Lafta Gareen oo la kulmay saraakiisha AMISOM iyo Ingiriiska – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa qaabilay saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyaguna ka soo qeyb-galay shirkii Golaha Amniga ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

- Advertisement -

Kulankan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay saraakiisha ciidamada koonfur galbeed iyo kuwa koonfur galbeed ee qalabka sida.

Kulankaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xaalada amaanka ee koonfur galbeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiisha amaanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in talaabooyinka dhanka amaanka ah la laba jibaaray inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa dhankiisa ugu horeyn u mahadceliyey AMISOM iyo saraakiisha dowlada Ingiriiska wuxuuna ugu baaqey inay garab istaagaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale amaanay ciidamada Soomaaliya, maadaama ay had iyo jeer u heelan yihiin dadkooda, sida ay ugu naaloonayaan nabada.

Koonfur-galbeed waxay ka kooban tahay Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool weli waa magaalooyin ku go’doonsan Al-shabaab, gobollada qaarkood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More