Safka Premier League 2020
Khabiirrada Sky Sports ee Manchester United iyo halyeeyada Liverpool ee Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa magacaabay liistooda 11-aad ee Premier League sanadka 2020.
- Advertisement -
Kooxda heysata horyaalnimada Premier League ee Liverpool ayaa ku leh ciyaartoyda ugu badan shaxdan 6 xiddig, halka inta soo hartay ay leeyihiin shan boos.
Aynu ku bilowno goolhaye Alisson Becker oo Liverpool ka tirsan, laacibka reer Brazil ee dhawaan loo caleemo saaray laacibka adduunka ee FIFA isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda horyaalka hanatay ee Liverpool.
Labada daafac dhexe ayaa kala ah kabtanka kooxda Wolves Conor Coady kaas oo laf dhabar u ah kooxda Nuno Espirito Santos iyo Virgil Van Dijk oo jooga Liverpool.
Neville iyo Carragher ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa labada xiddig ee Liverpool Trent Alexander Arnold iyo Andrew Robertson, kuwaas oo labadoodaba door muhiim ah ka qaatay guulaha kooxda.
Saddexda khadka dhexe ee kooxda ayaa ah kabtanka Liverpool Jordan Henderson, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne iyo xiddiga Manchester United Bruno Fernandes.
Neville iyo Carra ayaa seddexleey u diiday weerar yahanka muhiimka ah ee Liverpool Sadio Mane waxayna doorteen Son Hueng Min, oo ay weheliyaan Mohamed Salah iyo Harry Kane.
Shaxda
Ma aqriste, u maleyneysaa in shaxdani ay tahay tan ugu wanaagsan Premier League sanadka 2020? Fikirkaaga ku dhaaf qeybta faallooyinka ee hoose.