SADDEX Ciyaartoy Oo Kooxo Waaweyn Oo Premier League Ka

Saddex ciyaartoy oo kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ka tirsan ayaa ku dhacay baadhitaanka DAROOGADA xili-ciyaareedkii hore ee 2019-20, sida ay kashiftay warbixin sir ah oo lasoo saaray.

- Advertisement -

Wargeyska caanka ah ee The Athletic ee looga dambeeyo dhinaca ciyaaraha ayaa waxa uu sheegay in saddex ciyaartoy laga helay jidhkooda inay ku jirto daroogo laakiin aan si dhab ah loo xaqiijin inay jabiyeen sharciga, taas darteedna ay Hay’adda la-dagaallanka Maandooriyaha ee (UK Anti-DopinG UKAD) ay u ogolaatay inay ciyaari karaan.

Laba ka mid ah ciyaaryahannadan ayaa waxa lagu helay inay isticmaaleen methylphenidate iyo methylprednisolone. Midda hore ayaa ah daawo loo isticmaalo in lagu daaweeyo khalkhalka ku yimaadda dareenka qofka oo hoos loogu dhigo.

Hay’adda la-dagaallanka daroogada ee WADA (Wold Anti-Doping Angency) ayaa daawadan hore ku dartay liiska waxyaabaha mamnuuca ka ah ciyaartoyda maadaama ay suurtogal tahay inay sare u qaaddo awoodda qofka.

Daawada dambe ayaa iyaduna lagu daray walxaha mamnuuca ka ah in la tisticmaalo, waxaana inta badan la siiyaa dadka gubtay iyo kuwa elerjiga leh. Laakiin dhibaatada ay leedahay ayaa ah inay ciyaartoyda ka caawiso inay xilliga tababarka sare u qaaddo awooddooda.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in ciyaartoyga saddexaad isagana lagu helay inuu isticmaalay walax ay UKAD ku waddo baadhitaan oo aan wali go’aan laga gaadhin mamnuuciddeeda, laakiin ay UEFA ku dartay kuwa la mamnuucay oo kaliya loo ogol yahay ciyaartoydu inay xaalado dhakhtar oo kaliya ku isticmaali karaan, ayna tahay in la caddeeyo.

Daawadan dambe ayaa xili ciyaareedkii hore waxa la siiyey illaa siddeed ciyaartoy oo ay shan ka mid ah UEFA u ogolaatay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More