Saadaasha Sky Sports ee kulamada Sabtida ee Premier League

Sky Sports ayaa saadaalisay kulamada Premier League ee sabtida iyo axada iyadoo ay sabtida isku dhici doonaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea

- Advertisement -

Inkastoo Arsenal aysan wax guul ah gaarin toddobadii kulan ee ugu dambeysay, haddana Sky Sports ayaa saadaalisay in Gunners ay 1-0 ku garaaci doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea garoonka Emirates.

Maalinta Feerka ee Sabtida ayaa sidoo kale la arki doonaa Leicester City oo wajaheysa Manchester United, iyadoo Sky Sports uu saadaaliyay inay 1-0 ku badin doonaan Red Devils.

Man City ayaa soo dhaweyn doonta Newcastle iyadoo Sky Sports ay saadaalineyso kooxda Pep Guardiola inay 5-0 ku garaaci doonaan Newcastle.

Kooxda hogaamineysa Liverpool ee Anfield kula ciyaareysa West Brom ayaa sidoo kale la filayaa inay ku badiso 2-0.

Tottenham oo booqatay Wolves ayaa la filayaa inay ku kala baxaan barbaro 1-1.

Saadaasha todobaadka Premier League:

Leicester City 0-1 Man United

Aston Villa 2-0 Crystal Palace

Fulham 2-1 Southampton

Arsenal 1-0 Chelsea

Man City 5-0 Newcastle

Sheffield United 1-0 Everton

Leeds 1-2 Burnley

West Ham 0-0 Brighton

Liverpool 2-0 West Brom

Wolves 1-1 Tottenham

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More