“Ryan Giggs Waa Mid Ku Waashay GALMADA… Xataa Dumaashidii
Walaalka la dhashay halyeygiii Manchester United ee Ryan Giggs oo lagu magacaabo Rhodri ayaa ka hadlay xadhigga Giggs oo lagu eedeynayo inuu waxyeello u geystay xaaskiisa, waxaanu sheegay in walaalkii uu yahay mid ku waalan galmada oo la qabatimay.
- Advertisement -
Rhodi oo ay da’diisu tahay 43 jir ayuu walaalkii Giggs khiyaano kula kacay, waxaana isagoo ciyaartoy ah oo Manchester United ka tirsan uu muddo siddeed sannadood ah xidhiidh qarsoodi ah la lahaa dumaashidii oo ah xaaskii hore ee Rhodi ee Natasha oo uu iska furay.
“Qof walba wuxuu leeyahay meel uu ku liito. Ryan isagu marka uu dibedda u baxo, waa inuu dumar lasoo seexdo.” Ayuu yidhi.
Rhodri oo u warramayay wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa la weydiiyey haddii uu neceb yahay walaalkii maadaama uu u dabo-maray xaaskiisa oo uu waliba muddo siddeed sannadood ah xidhiidh la lahaa, ayaa ku jawaabay: “Maya, maan nicin. Laakiin waan ka xumahay waxa uu sameeyey.”
Ryan Giggs oo 46 jir ah ayay boolisku ugu galeen gurigiisa ku yaalla Worsley, Greater Manchester habeenkii Isniintu soo gelaysay oo saqdii dhexe ah, waxaanay usoo taxaabeen xabsiga.
Giggs oo ah tababaraha xulka qaranka Wales ee waqtigan ayaa lagu eedeeyey inuu dhaawacyo u geystay xaaskiisa Kate Greville.
Khilaafka Giggs iyo xaaskiisa ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii ay Kate Greville ogaatay in uu khiyaameeyey oo uu xidhiidh la sameeyey laba gabdhood oo kale.
Waxa uu saldhigga ku jiray hal habeen, waxaana waraysi laga qaaday kaddib loo ogolaaday inuu ku laabto gurigiisa oo cidlo sii noqday oo ay ka guurtay Kate Greville.
Sannadkii 2011 ayay fadeexaddii ugu weynayd ku habsatay Giggs, markii ay soo baxday in walaalkiisa ka weyn ee Rhodri uu xaaskiisa la seexday, isla markaana uu macmiil ka dhiganayay muddo siddeed sannadood ah, taas oo keentay in Rhodri uu furo Natasha oo u haysay saddex carruur ah.