Ryan Giggs Oo Xabsi La Dhigay Ka Dib Dhaawac Uu U Geystay
Halyeeyga kubada cagta Ryan Giggs ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu waxyeelo u geystay saaxiibtiisa oo lagu magacaabo Kate Greville.
- Advertisement -
Boliis ayaa loogu yeeray guriga tababaraha xulka Wales habeenkii Axada ka dib markii ay deriska maqleen buuq badan.
Halyeeyga Man United oo 46 sanno jir ah ayay boliiska su’aalo ka weydiiyeen dhaawacyo uu u geystay saaxiibtiis.
Afhayee u hadlay boliiska Greater Manchester ayaa yiri: “Boliiska ayaa loo soo yeeray 10.05pm habeenkii Axada ka dib buuq la maqlay. Gabar da’deeda ay 30meeyo tahay ayaa la gaarsiiyay dhaawacyo yaryar laakiin uma aysan baahanin wax daweyn ah.
“Nin 46 sanno jir ah ayaa loo xiray shaki laga qabo inuu waxyeelo u geystay gabadha.”
Boliiska ayaa sheegay inay xireen Giggs islamarkaana lagu sii daayay damaanad iyadoo baaritaan uu ku socdo.
Giggs ayaa shalay lagu arkay saldhiga boliiska ka dib saacado su’aalo la weydiinayay, wuxuuna ku baxay gaarigiisa madow ee Mercedes.
Ilo ku dhow Giggs ayaa sheegay in halyaayga United uu saaxiibtiis kula noolaa guri uu hooyadiis ka iibsaday oo qiimo ahaan ku dhow 2 milyan ginni.
Giggs ayaa sidoo kale horaantii shalay lagu arkay Hotel Football oo ku yaala Manchester kaasoo uu dhinac ka leeyahay isaga, wuxuuna ku daawaday kulankii Man United ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Arsenal.
Gabadha uu dhibaatada u geystay ee Kate waxay wada socdeen tan iyo sannadkii 2017.