RW Rooble oo Garoowe ka baxaya isaga oo aan guul ka gaarin

Raysul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Magaalada Garoowe tagay 11-kii December 2020 kuna beegan Jimcihii ayaa ku guuldareystay ka gungaaridda go’aamada Siyaasadeed eek u dhaliyay safarkiisa.

- Advertisement -

Rooble oo damacsanaa in Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni uu kasoo dabciyo halka uu ka istaagay soo xulista guddiga Doorashada 20/21 ku metalaya Puntland si loo dhaqangeliyo heshiiska hogaamiyayaasha heer Federaal & heer Dowlad Goboleedyada ee 1-da October 2020.

Raysul Wasaaraha XFS ayaa ku hungoobay in ka badan saddex jeer oo ay is arkeen Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni & ku xigeenkiisa Axmed Karaash, kadib markii uu ka gudbi waayay labo qodob oo kala ah in Gobolka Gedo laga qaado Ciidamada DFS & Xalinta Doodda ka taagan Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi).

Niyad-jabka Siyaasadeed ee Wasiirka Koowaad Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xooggeystay, kadib markii uu ka baaqday kulan casho ah oo lagu sagootinayay si uu usoo gaba-gabeeyo safarkiisa Garoowe.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Axadle ayaa xaqiijiyay gelinka dambe ee Maanta uu Maxamed Xuseen Rooble tagayo Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulkaas.

Falagle ayaa sheegay in uusan culeys badan Rooble kala kulmeyn Galmudug, maadaama Guddiga Doorashada dhankooda metalaya uu isaga ku xareeyay xarunta loogu talagalay in ay ku shaqo bilaabaan.

Raysul Wasaaraha Soomaaliya waxaa u qorsheysan in uu tago Magaalada Gaalkacyo oo Koofurta maamul ahaan hoostagta Galmudug, halka Waqooyiga maamulka ka taliya uu ka amar qaato Puntland.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More