RW Rooble & Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada oo maanta
Raysul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Gelinka dambe ee Isniinta maanta ah in uu la kulmo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo saddexdii cishe lasoo dhaafay kulamo gaar-gaar ah caasimadda ku yeeshay.
- Advertisement -
Rooble & Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada ayaa isla arkaya qodobada ay isku afgarteen Shantaan Hoggaamiye & waxa laga doonayo Xukuumadda Xilgaarsiinta dhankeeda in ay ku dhaqaaqo si kulanka Berri u furmaya uu ugu qabsoomo si ka duwan is aragyadii hore.
Xukuumadda oo dusha saaraneysa fulinta qodobada ay ku heshiiyaan Hogaamiyayaasha Berri lagu wado in ay isku aragto Teendhada Afisiyooni iyo heshiisyadii 17-kii September 2020 oo lagu kabayo kii 16-ka Febaarayo 2021 ku gaareen Guddiga Farsamo ee Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir si dalka ay uga dhacdo Doorasho ku dhisan isla ogol & ku qanacsanaan.
Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Rooble marka uu arko Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada kadib uu la kulmayo Wakiilada Beesha Caalamka ee qabatay howshaan qarka u saaran in lagu go’aamiyo qabsoomidda Doorashooyinka ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday & Dowlad-Goboleedyada.
Haddaba, Suuragal ma tahay in Beesha Caalamka Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku qanciso dhaqangelinta qodobada ay ku heshiiyeen Shanta Hogaamiye Dowlad-Goboleed?