“Ronaldo Calaamada Kabtanimo Dhulka Ayuu Ku Tuuray
Walaasha la dhalatay Cristiano Ronaldo ee lagu magacaabo Katia Aveiro ayaa markeeda ka hadashay dhacdadii walaalkeed lagaga diiday goolkii guusha ee kulankii dhex maray xulalka Serbia iyo Portugal ee dhawaan 2-2 kusoo dhammaaday kaas oo hadal hayn badan dhaliyay.
- Advertisement -
Weeraryahanka Juventus ayaa gabi ahaanba cadho kaga baxay garoonka kaddib markii laga diiday gool xilli dambe ah oo uu guusha ugu keenayay xulkiisa Portugal ciyaartaas la isku bar-bardhacay.
Xiddigii hore ee xulka qaranka Portugal ee Fernnando Meira oo kamid ahaa shaqsiyaadka ka hadlay dhacdadaas ayaa sheegay inay wax aan la aqbali karin ahayd in Ronaldo garoonka ka baxo ciyaarta oo socota halka uusan ahayn shaqsiga kaliya ee 36 sano jirkaas eedeeyay.
Si kastaba, Katia Aveiro oo ah mid kamida labada hablood ee la dhashay CR7 ayaa difaacday go’aankii walaalkeed waxaana ay sheegtay in waliba uu sidaas is dajiyay ee ay ahayd inuu calaamada kabtanimo wajiga kaga dhufto garsooraha kulanka.
Katia ayaa barteeda Instagram ku qortay “Cristiano waxa uu sumad u yahay qaranka, dadka caqliga badan lehi waxa ay dhahaan ‘Qofka aan dareen lahayni ma noqon karo wiilka dadka wanaagsan”
“Portugal fadeexad ayaa lagu dhacay, Cristiano oo gool dhaliyay daqiiqadii ugu dambaysay (Kaas oo guusha noo keeni karayay) ayaa sababay kacdoonkiisa iyo kaayagaba”
“Waxa uu si deg-deg ah u tilmaamay in kubaddu ay liidka dhaaftay 30 centimeter, madaxiisa ayuu ruxay, xataa kahor inta uusan garsooruhu ku dhawaaqin siidhiga uu ku dhammaynayo kulankan la xaday waxa uu tagay qolka labiska sababtoo ah uma uusan qalmin (In la ciyaaro)”
“Degennaan cajiib ah ayuu muujiyay sababtoo ah dareenkiisu waxa uu ahaa inuu calaamada kabtanimo wajiga kaga dhufto garsooraha isaga oo ugaga dhufanaya waxa ay isaga iyo caawiyihiisu dhammaanteen nagu sameeyeen”