Robert Pires Oo Shaaciyey Kooxda Uu La Doonayo Kylian Mbappe

Xiddigii hore ee xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa kula taliyey da’yarka ay isku waddanka yihiin ee Kylian Mbappe inuu iskaga tago PSG haddii uu doonayo inuu horumar ka sameeyo kubadda cagta.

- Advertisement -

Mbappe ayaa heshiiskiisa PSG uu ku egyahay badhtamaha sannadka 2022, waxaana uu diidan yahay inuu saxeexo heshiis uu waqtiga ugu kordhinayo, taas oo ka dhigan inuu ka tegi doono xagaaga soo socda marka uu dhamaado xili ciyaareedkan socda.

Kooxda reer France ayaa ku qasban inay iibiso Mbappe haddii uu ku adkaysto go’aankiisa ah inaanu qandaraaska kordhin, haddii kale waxa uu kaga tegi doonaa si bilaash ah sannadka xiga.

Robert Pires oo la hadlayay wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa usoo jeediyey inuu taxadar ka sameeyo mustaqbalkiisa, isla markaana inta uu yar yahay uu tago koox weyn oo xirfaddiisa korin karta, waxaanu yidhi: “Dabcan, anigu waxaan ahay Faransiis, waaanan jecelahay PSG oo aan jeclaan lahaa inuu sii joogo.

“Laakiin haddii uu doonayo inuu sii wado inuu ciyaartoy ahaan u koro, waa inuu u saxeexo Real Madrid.”

Taladan uu Robert Pires siiyey Mbappe ayaa waxay kusoo beegantay xilli laacibkan lala xidhiidhinayo inuu ku biirayo Real Madrid oo uu joogo Zinedine Zidane oo uu ciyaartoy ahaan ugu dayan jiray.

Real Madrid ayaa dhinaceeda bartilmaameedsan doonta Mbappe marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoygu, waxaana la rumaysan inay u arkaan xalka dhibaatada ka haysata afka hore iyo mustaqbalkooda weerarka ee sannadaha soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More