Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddig Liverpool Ah Oo Laga

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa rumaysan in Roberto Firmino uu dhibaato ku geli doono Anfield, isla markaana booskiisii lagu qabsaday oo uu halis ugu jiro in Diogo Jota oo saddexlay ka dhaliyey Atalanta ciyaartii Champions League ee xalay ay 5-0 ku garaaceen.

- Advertisement -

Laacibka saxeexa cusub u ah Liverpool ee ay Wolves kala soo wareegeen xagaagii ee Digo Jota ayaa saddex gool u saxeexay Liverpool xalay, waxaana labada  kale ku daray Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Firmino ayaa dhinaca kale kaydka ku jiray iyadoo horena ay jamaahiirtu u ogaayeen in aanu ahayn dhaliye ay goolal ka filayaan, inkasta oo bandhigga guud ee ciyaarta uu si fiican uga shaqeeyo oo uu xidhiidhiyo Salah iyo Mane.

Rio Ferdinand oo ka hadlayay telefishanka BT Sports xalay ayaa sheegay in laacibka reer Brazil ay hadda kaddib saaran tahay culays weyn oo uu Jota ka cidhiidhsan karo, waxaanu yidhi: “Weeraryahannada, wax ka badan ma weydiisan kartid. Klopp si fiican ayuu suuqa uga adeegsan, waxaanu Jota qabadsiiyey qaabkiisa.

“Waxaan hubaa in Firmino uu halkaa fadhiyo oo uu tababare Klopp xasuusin doono waxa uu qaban karayo.

“Firmino, jeclow ama necbow, wuxuu doonayaa inuu kusoo bilowdo, wiilkanina culays weyn ayuu saarayaa isaga.”

Tababare Jurgen Klopp oo isaguna ka jawaabayay soo-jeedinta Rio Ferdinand ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay xataa  Champions League kasoo qayb-gasheen haddii aanu Roberto Firmino ku jiri lahayn oo ay ku dhibaatoon lahaayeen garoomada.

Klopp waxa uu tilmaamay in Firmino uu kusoo laaban doono garoonka kaddib bandhigga heerka sare ah ee Diogo Jota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More