RIKOODH: Cristiano Ronaldo Oo Gaarey Rikoodhka Xiddigii Ugu Goolasha

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa barbarreeyey rikoodhka ciyaartoygii ugu goolasha badnaa abid kulamada caalamiga ah ee Ali Daei kaddiib laba gool oo uu ka dhaliyey kulankii dalkiisu ugu soo gudbay wareegga 17ka Euro ee ay barbarraha 2-2 wada galeen France.

- Advertisement -

Cristiano Ronaldo ayaa soo qabtay rikoodhka xiddigii ugu goolasha badnaa abid, kaas oo uu dhaafi doono haddii uu gool kale u dhaliyo xulka qaranka Portugal.

36 jirkan ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta caalamiga ah, waxaanu kala wareegayaa laacibkii reer Iran ee Ali Daei oo sannado badan ahaa ciyaartoyga goolasha ugu badan ka dhaliyey kulamada caalamiga ah, isagoo dhaliyey 109 gool.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa xalay isku qoray taariikhda uu laacibkaas oo kali ahi hore ugu qornaan jiray, waxaana uu dhaliyey goolkiisii 109aad ee uu u saxeexo dalkiisa Portugal oo uu u ciyaaray 176 kulan.

Goorma ayaa la dhigay rikoodhka uu barbarreeyey Ronaldo?

Cristiano Ronaldo ayaa u baahan hal gool oo kaliya si uu kali ugu noqdo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa kulamada caalamiga ah, duniduna kalidii ugu xasuusato inuu yahay midka la hiigsanayo ee goolasha ugu badan u dhaliyey xulalka.

Ali Daei oo u dhashay waddanka Iran ayaa intii u dhaxaysay 1993 illaa 2006 waxa uu xulka dalkiisa u dhaliyey 109 gool 149 kulan oo uu u ciyaaray, waxaanu isaguna kala wareegay halyeygii reer Malaysia ee Mokhtar Dahari oo ciyaaraha ka fadhiistay sannadkii 1985kii isagoo lahaa 89 gool. Dahari ayaa isaguna rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah waxa uu kala wareegay xiddigii reer Hungary ee Ferenc Puskas oo sannadkii 1956kii dhaliyey goolkiisii 84aad ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisanin.

Ronaldo iyo Ali Daei ayaa aad uga fogaaday ciyaaryahannada kale ee kusoo xiga ee Mokhtar Dahari iyo Puskas, laakiin waxa rikoodhka ciyaartoyga ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah, taariikhdaasna waxa ka xiga hal gool oo kaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More