RIKOODH: Cavani Oo Jabiyey Rikoodhkii Manchester United Ay U Dhigeen

Edinson Cavani ayaa ku biiray liiska xiddigaha dhif iyo naadirka ah ee soo maray Manchester United kaddib goolkii uu xalay kooxdiisa u dhaliyey kulankii ay Fulham barbarraha 1-1 wada galeen.

- Advertisement -

Weeraryahanka reer Uruguay ayey u ahayd habeen wanaagsan oo uu taariikhda isku qoray, waxaanu dhaliyey gool ku tartami doona kuwa ugu quruxda badan xilli ciyaareedkan, iyadoo kubbad uu badhtamaha garoonka ka helay uu xoogaa ula soo dhaqaaqay dhinaca Fulham, kaddibna ka dul-qaaday goolhaye Areola oo soo baxsanaa.

Masaafada uu goolkan ka toogtay ayaa ahayd 40-yard, waana mid ka mid ah kuwii ugu fogaa ee xilli ciyaareedkan sii dhamaanaya laga dhaliyo horyaalka Premier League.

Edinson Cavani ayaa waxa uu arkay in saaxiibkiisii hore ee Paris Saint-Germain ee Alphonse Areola uu soo baxsan yahay, waxaanu si qiyaasan uga dul-qaaday kubadda isagoo aan is-dhibin aadna uga fogaa, sidaas ayaanu ku xaqiijiyey taariikhda kooxda.

Muxuu yahay rikoodhka uu Edinson Cavani gaadhay?

34 jirkan reer Uruguay ayuu goolkiisani ahaa midkii 10aad ee Manchester United uu u dhaliyo xilli ciyaareedkan, waxaanu sidaas ku noqday ciyaartoygii saddexaad ee ay da’diisu tahay 33 jir ama ka weyn ee tiro goolal intaas le’eg u dhaliya hal xilli ciyaareed gudihii.

Halyeygii Manchester United ee Teddy Sheringham ee ay isku waqtiga ahaayeen Ole Gunnar Solskjaer ayaa xilli ciyaareedkii 2000-01 waxa uu dhaliyey 15 gool, waxaana ku xigay Zlatan Ibrahimovic oo isaguna xilli ciyaareedkii 2016-17 isku qoray taariikhda odayaasha United u dhaliyey 10 gool iyo ka badan, halka uu Cavani liiskaas isku qoray xalay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More