Real Madrid Oo Ugu Dambeyn Jawaab Cad Ka Bixisay

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu ku soo laabto Real Madrid laakiin agaasimayaasha Los Blancos ayaa si cad u sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay soo ceshtaan halyeeygooda sida ay qortay jariirada Marca.

- Advertisement -

Tan iyo markii uu soo booqday caasimada Spain bishii March ee sannadkii hore, Ronaldo ayaa ka fiirsanayay inuu soo laabto ka dib seddex sannadood oo uu ku jahwareeray Juventus iyo Champions League, wuxuuna jeclaan lahaa inuu ku soo noqdo kooxdii uu afar jeer ku qaaday koobka Dhega Weyne.

Wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigay Real Madrid inay dib u la saxiixato Ronaldo isbuucyo ka hor iyadoo Juventus ay ka fiirsaneysa inay sababto dhaqaale darteed isaga iibiso kabtanka reer Portugal madaama ay qasaareen 113 milyan euro sannadkii hore.

Si kastaba, ma ahan wax sahlan inuu ka tago Juventus madaama Real Madrid ay si cad u diiday saxiixiisa.

Real Madrid ayaa si taxadar leh uga fiirsaneysa dhaqaalaheeda waqti xaadrikaan iyagoo xagaagii 2020 aan waxba qarashgareynin.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa tirsanaya euro kasta oo ay heystaan iyagoo diirada saaraya inay la soo wareegaan xiddigo da’ yar oo tayo leh sida Kylian Mbappe iyo Erling Haaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More