Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxdeeda Ee Kulanka
Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha ay kaga qayb galayso kulanka adag ee ay caawa booqanayso dhigeeda Sevilla iyadoo uu tababare Zinadine Zidane si adag ugu dagaalamayo shaqadiisa oo shaki galay ciyaarihii ugu dambeeyay.
- Advertisement -
Marka laga yimaado inuu tababarka fudud kusoo noqday, liiskan ayuusan kusoo bixin kabtan Sergio Ramos oo dhaawac ku maqnaa ciyaarihii ugu dambeeyay isagoo diirada saari doona inuu taam u noqdo ciyaarta Champions League ee Borussia Monchengladbach.
Intaas waxa dheer in sidoo kale uu maqan yahay Dani Carvajal oo la kiis ah Ramos, si lamid ah weeraryahan Mariano Diaz oo dhaawacmay halka Luka Jovic aan lasoo qaadan walow laga waayay caabuqa Korona Fayras ee dhawaan ku dhacay.
Warka u wanaagsan jamaahiirta Real Madrid ayaa ah inuu soo laabtay daafaca midig ee Alvaro Odriozola walow uu maqan yahay Eden Hazard oo marba marka xigta wakhtigiisa Los Blancos uu sii madoobaanayo.
Liiska Real Madrid Ee Kulanka Sevilla