RASMI: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Portugal Oo Korona Fayras
Daafaca midig ee kooxda Manchester City ee Joao Cancelo ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska xiddigaha xulka Portugal u metelaya tartanka EURO 2020 iyadoo bedelkiisa loo qaatay Diogo Dalot oo Manchester United ka tirsan.
- Advertisement -
Portugal ayaa kulankoodii ugu horreeyay ee tartanka Salaasada la ciyaari doona dhigooda Hungary, kahor kulankaas ayaa lagu qasbay inay meesha ka saaraan 27 sano jirkaas kaddib baadhitaano lagu sameeyay.
Diogo Dalot oo asal ahaan ka tirsan Man United balse xilli ciyaareedkii hore qaab amaah ah ugu maqnaa AC Milan ayaa helay fursada xilli dambe loogu wacay xulka Selecao.
Joao ayaa markii warku soo baxay barahiisa bulshada kusoo qoray qoraal u dhignaa sidan “Waxaan ahay mid markasta adag oo xoogan sababtoo ah inta aan halkan joogo waxaan u dagaalami doonaa waxkasta oo aan doonayo”
Cancelo ayaa EURO xiddig si joogto ah u ciyaara ka noqon lahaa shaxda tababare Fernando Santos kaddib markii uu xilli ciyaareed xoogan lasoo qaatay Manchester City oo uu horyaalka Premier League kula soo guuleystay.
Joao ayaa gool iyo caawin kasoo sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee ay Portugal 4-0 uga soo adkaadeen Israel taas oo muujinaysa sida uu muhiim ugu ahaa.
Cancelo ayaa 10-ka maalmood ee soo socda ku qaadan doona karantiin uu geli doono balse dhibka gaadhay ayaa fursad weyn u ah Dalot oo qaab ciyaareedyo fiican kusoo sameeyay Milan xilli ciyaareedkii tagay.