RASMI: Man Metropolis Oo La Saxeexatay “Lionel Messi-ga Cusub”, Kooxda Uu Ka

Kooxda Manchester Metropolis ayaa la saxeexatay da’yarka kooxda Estudiantes ee Dario Sarmiento kaas oo lagu naanayso “Mini-Messi” amaba Messi-ga yar.

- Advertisement -

18 sano jirkaas garabka weerar ah ayaa lala bar-bardhigay xiddiga ay Argentina kasoo wada jeedaan iyadoo laga eegayo xawaarihiisa dheereeya iyo awoodiisa marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto.

Manchester Metropolis ayaa ahayd mid in mudo ah isha ku haysay xaalada Dario Sarmiento waxaana ay bilaabeen wadahadalada ay kula saxeexanayaan bishii December ee sanadkii hore sida uu sheegay wargeyska Sportsmail.

Dario Sarmiento ayaa ku biiri doona kooxda hoggaaminaysa Premier League suuqa xagaaga sanadkan sida ay sheegtay kooxdiisa Estudiantes oo xaqiijisay inay ku iibisay heshiis 5.2 Milyan pound ah oo gunnooyin lagu dari doono.

Sarmiento ayaa ah 18 sano jir ku ciyaara lugta bidix, dhererkiisu kaliya waa 5.6 waxaana uu kamid yahay xulka da’yarta Argentina taas oo muujinaysa inay aad ugu fuursadeen dadka la bar-bardhigay Messi.

Da’yarkan oo kulankiisii ugu horreeyay ee kooxdiisa Estudiantes ciyaaray isaga oo kaliya 16 sano jir ah ayaa ah mid kalsooni fiican leh marka uu kubadda haysto isaga oo leh awood goysmo oo sarre isla markaana soo bandhigay kulamo kooxdiisa ah.

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United iyo Chelsea ee Juan Sebastian Veron oo dhawaan ka hadlay Dario Sarmiento ayaa sheegay inuu da’yarkaasi yahay mid mustaqbal fiican leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More