RASMI: Liiska Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Actual

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb gelaya kulanka ay Real Sociedad ku booqanayso gegida Anoeta Stadium habeen dambe.

- Advertisement -

Tababare Koeman ayaan wax isbedel ah ku samayn safkii uu magacaabay kulankii hore ee ay guusha kasoo gaadheen kooxda Huesca taas oo ka dhigan in wax ciyaaryahano ah oo soo laabtay aysan jirin kuwo laga saarayna jirin.

Xiddiga boosaska badan ee Sergi Roberto ayaa la tababartay xiddigaha kale ee kooxdaas saaka balse aan wali taam buuxa u ahayn in lagu soo daro safka kulanka Sociedad.

Daafaca dhexe ee Gerard Pique, khadka dhexe ee Phillipe Coutinho iyo da’yarka garabka weerar ee Ansumane Fati ayaa dhammaantood wali dhaawacyo ku maqan.

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay kulankeedii siddeedaad ee xidhiidh ah ee ay marti tahay ay guul soo gaadhi doonto isla markaana ay culayska tartanka horyaalka sii saari doonto Atletico Madrid.

Liiska Oo Dhammaystiran

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More