Qorshaha Suuqa Actual Madrid Oo Isbeddel Ku Dhacay Kaddib Guul-darradii
Actual Madrid ayaa isbeddel ku samaysay qorshaheeda suuqa kaddib markii ay PSG xalay ka hadhay tartanka Champions League oo semi-finalka ay ku garaacday Manchester Metropolis.
- Advertisement -
12ka bilood ee soo socda ayay Actual Madrid u dejisatay qorshe ay kusoo wada xero-gelinayso labada xiddig ee Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, kuwaas oo ay doonayso in ay ku daahfurto garoonkeeda cusub ee Santiago Bernabeu oo dib lavatory dhisay, dhowaanna lasoo gabogabayn doono.
Labadan xiddig ee da’da yar ee ah kuwa la rumaysan yahay in ay dunida ka talin doonaan tobanka sannadood ee soo socda, ayay Los Blancos qasnaddeeda u jabin doontaa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee foodda inagu soo haya iyo xagaaga ku xiga.
Kylian Mbappe oo niyad-jab kale kasoo gaadhay hamigiisii ahaa in uu ku guuleysto Champions League oo xalay ay semi-finalka ku hadheen, sannadkii horena ay Bayern Munich koobka ka qaadday ayaa wali diiddan in uu heshiis cusub u saxeexo Paris Saint-Germain iyadoo qandaraaskiisa horena uu gelayo 12kii bilood ee ugu dambeeyey.
Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa isagana la sheegay in heshiiska uu kula jiro kooxda reer Germany uu ku jiro qodob dhigaya in qandaraaskiisa lagu burburin karayo lacag dhan £68 milyan oo Gini kaas oo kaliya shaqayn doona marka la gaadho xagaaga sannadka dambe.
Zinedine Zidane iyo Florentino Perez ayaa qorshaynaya in suuqa dhowaanta furmi doona ay lasoo saxeexdaan Kylian Mbappe oo ay PSG ku qasbanaan doonto in ay iibiso maadaama uu si bilaash ah kaga tegi doono sannad kaddib haddii ay hadda u ogolaan weydo in ay iibiso.
22 jirkan oo PSG ay kusoo iibsatay £166 milyan oo Gini sannadkii 2018 oo ay Monaco kala soo wareegtay, waxa la rumaysan yahay in uu doonayo in uu bannaanka uga baxo Faransiiska, iyadoo Perez ay ka go’an tahay in xilli ciyaareedka dambe ee 2021-22 uu Mbappe ka ciyaaro Santiago Bernabeu.
Qorshaha labaad ayuu ku jiraa Erling Haaland maadaama waqtigan ay adag tahay in Borussia Dortmund ay dhayal iyo lacag jaban midkoodna ku fasaxdo, waxaanay Actual Madrid sugi doontaa laacibkan xagaaga dambe iyadoo bixin doonta £68 milyan oo Gini oo heshiiskiisa lagu burburin kari doono.