QALBI-JAB: Mudada Uu Xulka Talyaaniga Xiddigii Wacdaraha Dhigayay Ee
Jamaahiirta xulka qaranka Talyaaniga iyo guud ahaan taageerayaasha jecel kubadda cagta ayaa ka qalbi jabay nooca dhaawac ee xalay gaadhay daafaca bidix ee xulkaasi ee Leonardo Spinazzola kaas oo ka baxay kulankii Belgium.
- Advertisement -
Talyaaniga ayaa guul dahabi ah ka gaadhay xulka booska 1-aad kaga jira qiimaynta xulalka caalamka ee FIFA kaddib goolal ay ka kala heleen Barella iyo Insigne isla markaana wareega afar dhammaadka balan kaga samaystay Spain.
Spinazzola ayaa ahaa mid kamida xiddigaha ugu fiican tartanku intii uu ilaa hadda socday isaga oo ugu soo bilawday dhammaan shantii kulan ee ay Euro ka ciyaareen xulka uu hoggaanka u yahay tababare Roberto Mancini.
Haddaba, dhaawaca xalay garoonka looga saaray daafaca kooxda AS Roma ayaa ahaa mid ka gaadhay lafta isku xidha cagta hoose iyo murqaha kubka (Achilles Tendon) kaas oo ah dhaawaca ugu xun ee uu ciyaartoy filan karo.
Spinazzola ayaa hubaal maqnaan doona ugu yaraan lix bilood inta la qiyaasan karo iskaba daa inuu kasoo muuqdo kulamada Euro ka hadhsane.