PSG, Barcelona Mise Man City – Kooxdee Ayuu Neymar Doonayaa

Neymar ayaa xalay shaaciyey inuu doonayo inay mar kale midoobaan Lionel Messi oo ay iska garab ciyaari doonaan, waxaanu sidii uu hubo u sheegay in jamaahiirtu ay sugaan Messi iyo isaga oo mar kale garoonka wadaagaya, hal kooxna u wada ciyaaraya.

- Advertisement -

Xiddigaha reer Brazil iyo reer Argentina ayaa afar sannadood ku wada qaatay Barcelona oo ay ka abuureen weerarka ugu khatarta badan dunida iyadoo uu ku wehelinayay Suarez, waxaanay ku wada guuleysteen koobab badan.

Laakiin Neymar ayaa sannadkii 2017kii lacagtii ugu badnayd abid ee ciyaartoy lagu iibsado illaa hadda oo ahayd £198 milyan oo Gini wuxuu ugu wareegay PSG oo uu ka yahay hoggaamiyahooda.

Inkasta oo xili ciyaareedkii hore ay PSG timid finalka Champions League, illaa hadda Neymar wuxuu awoodi la’ yahay inuu u qaado Champions League.

Sidaas oo kale, Lionel Messi ayaa ku dhibaatooday Camp Nou intii uu kasii maqnaa Neymar, waxaana ugu dambaysay inuu koob Champions League ah qaado markii ay wada joogeen ee sannadkii 2015, waxaana ugu dambaysay in xili ciyaareedkii hore ay Bayern Munich ku ceebaysay 8-2, halka horyaalkana ay kaga guuleysatay Real Madrid.

Heshiiska Lionel Messi uu kula jiro Barcelona ayay ka hadhsan yihiin lix bilood oo kaliya, waxaanu hore usii sheegay inuu ka tegayo kooxdan kaddib markii uu Bartoemu qaab khiyaano ah ku hor-joogsaday xagaagii tegay oo uu Messi doonayay inuu ka tago kooxda.

Neymar ayaa dabka kusii shiday mustaqbalka Lionel Messi oo inta badan lala xidhiidhinayay Manchester City, waxaana uu laacibka reer Brazil sheegay inay meel ka wada ciyaari doonaan labadoodu.

Markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Manchester United ku garaaceen 3-2 ayuu Neymar oo la hadlayay warbaahintu yidhi: “Waxaan doonayaa inaan mar kale la ciyaaro Messi. Waxa aan inta ugu badan tamaniyayaa inaanu mar kale iska garab ciyaarno Messi iyo inaanu garoonka dhexdiisa ku wada farano mar kale.

“Waan hubaa sannadka dambe inaanu mar kale iska garab ciyaari doono.”

Kaddib hadalka Neymar, su’aasha la weydiinayo ayaa waxay tahay kooxda ay labadan ciyaartoy ku midoobi doonaan ee ay ka wada ciyaari doonaan.

Heshiiska Messi ee dhamaanaya xili ciyaareedkan, waxa sannadka xiga ee 2022 uu isagana heshiiskiisa PSG dhamaanayaa Neymar balse waxa la sheegayaa inuu ku qanacsan yahay inuu qandaraaska kordhiyo halka kooxdaasina ay diyaar ula tahay lacag badan.

Warbaahinta Ingiriiska oo falanqayn ku samaysay hadalka Neymar ayaa waxay sheegtay inay aad u yar tahay fursadda uu xiddiga reer Brazil ugu laaban karayo Barcelona, sababtoo ah, xidhiidhka uu la leeyahay masuuliyiinta kooxdaas oo aan fiicnayn, qaar ka mid ah murashaxiinta ku tartamaysa Madaxtinimada kooxdaas oo eedayn u jeediyey isaga iyo arrinta ugu daran oo ah dhaqaale xumada haysata Barcelona oo lagu qasbay inay ciyaartoygeedu mushaharkooda dhimaan ku dhowaad 40%, isla markaana aan awood u lahayn inay bixiso mushaharka waallida ah ee Neymar.

PSG oo lacag badan oo mushahar ah siisa Lionel Messi ayaa lagu sheegay fursadda ugu dhow, midda labaadna waa inay iskugu tagaan Manchester City oo uu Lionel Messi si bilaash ah ugu sii wareego xagaaga soo socda iyo Neymar oo sannad kaddib kaga daba taga marka uu dhamaado heshiiskiisa PSG.

Si kastaba, dhamaadka xili ciyaareedkan ayaa la ogaan doonaa halka uu Lionel Messi saldhigi doono iyo haddii ay midoobi karaan Neymar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More