Pogba Kuma Dhalan Muslinimo, Hooyadiina Ma Aheyn Muslim

Paul Pogba ayaa sharraxaad ka bixiyey sida uu kulamada kooxdiisa Manchester United ugu diyaar-garoobo, isla markaana u ciyaaro bisha Ramadaan iyadoo aanay ciyaaruhu ka joojinin in uu guto waajibaadkiisa Diiniga ah.

- Advertisement -

Bisha barakaysan ee Ramadaan oo sannadkan soo gashay ku-dhowaad badhtamaha bisha April oo ah waqti ay ciyaaruhu mashquul yihiin ayaa soconaysa illaa bisha May oo 12keeda hore la soomanaan doono, waxaana Muslimiinta ku waajib ah in ay gutaan soonka haddii ay caafimaad ahaan awoodi karayaan, isla markaana aanay safar ahayn.

Paul Pogba ayaa sida ciyaartoyda kale  ee Muslimiinta ah, waxa uu tababarka qaataa, kulamada caadiga ahna ciyaaraa isaga oo soomman, waxaana waraysi uu siiyey website-ka kooxdiisa ee ManUtd.com, uu ku sheegay in aanay wax dhibaato ah ku haynin in isagoo sooman uu haddana ciyaro.

“Waxa aan odhan karaa, hadda waan la qabsaday. Sannado ayaan soo soomayay, waxa kale oo aan halkan ku haystaa khabiir takhasus ku ah nafaqaynta oo iga caawiya sida aan u cunayao cuntada, haddana aan tababarka u samaynayo. Waxa aan qaataa cuntooyin, xoogaa barootiin ah, sidaa darteed wax badan ma luminayaan murqahaygu, waana caadi.” Ayuu yidhi Paul Pogba.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey: “Nasiib ayaan leeyahay. Ma kulula cimiladu, waanad ogtahay, sidaa darteed waan la tacaali karayaa. Soonku ma aha wax adag, waad og tahay, waa iska caadi, waana wax wanaagsan.”

Sannadkii 2019kii ayuu Paul Pogba ka sheekeeyey sidii uu ku Muslimay, waxaana waraysi uu waqtigaas siiyey wargeyska The Times uu ku yidhi: “{Diinta Islaamku} waa wax walba. Waxay sabab u noqotay in aan wax walba ku mahad-naqo.

“Isbeddel ayay igu samaysay, waxa aan xaqiiqsaday waxa ay noloshu tahay. Waxa kale oo ay gudahayga ka abuurtay xasillooni. Isbeddel fiican ayay u ahayd noloshayda sababtoo ah kuma aanan dhalanin anigoo Muslim ah, xataa ayaa sidaas ahayd. Kaliya waan ku koray {Diinta Islaamka}, qof kastana ixtiraam ayaan u muujiyaa.

“Islam-ku maaha sawirka uu qof kastaana arkayo ee ah argagixiso… Waxa aynu warbaahinta ka maqalnaa dhab ahaantii waa wax kale, mana aha wax qurux badan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More