Nin Sheegtay Inuu Yahay Wiilka Diego Maradona Oo Dalbaday In
Nin dhalinyaro ah ayaa sheegtay inuu yahay wiilka Diego Maradona isagoo dalbaday in maydka halyeeyga kubada cagta laga soo bixiyo qabriga si loo baaro hide sidihiisa islamarkaana uu u cadeeyo inuu yahay wiilkiisa.
- Advertisement -
Santiago Lara oo 19 sanno jir ah ayaa ku amray qareenkiisa inuu dalabkaan u gudbiyo maxkamada kaliya 24 saac ka dib markii la aasay xiddigii hore ee Barcelona iyo Napoli.
Jose Nunez oo ah qareenka wiilkaan ayaa warqad codsi ah u qoray maxkamad ku taala magaalada uu degan yahay Santiago oo lagu magacaabo La Plata taasoo saacad u jirta magaalada Beunos Aires.
Wuxuu dalbaday in la soo bixiyo meydka Maradona islamarkana la baaro DNA si loo cadeeyo inuu yahay wiilkiisa saxda ah.
Warkaan ayaa soo baxay xalay ka dib markii uu qareenka wiilkaan soo fariistay TV Argentina ka soo baxa isagoo dalabkiisa halkaas ka cadeeyay. Waxay dacwadaan maxkamadeed daba socotaa dacwad uu wiilkaan gudbiyay 2014kii markii uu 13 sanno jir ahaa si uu u ogaado aabihiisa saxda ah.
Santiago oo haddii la xaqiijiyo noqonaya canugii lixaad ee Maradona ayaa markii ugu horeysay sheegashadiisa ka hadlay afar sannadood ka hor.
Hooyadiis oo lagu magacaabayay Natalia Garat ayaa u geeriyootay kansarka sanbabada sannadkii 2006 iyadoo todoba sannadood xiriir aan joogta aheyn la laheyd Maradona.
Halyeeyga kubada cagta ayaa ka tagay shan caruur ah oo uu labo ka mid ah ay ku qaadatay inuu muddo dheer ka dib u aqoonsado inay caruurtiisa yihiin.
Da’ yarkaan ayaa ka dalbaday qareenkiisa inuu bilaabo talaabo dhanka sharciga ah oo uuku cadeynayo inuu yahay wiilka Maradona.
Wuxuu isku dayay inuu sidaas sameeyo markii uu Maradona noolaa laakiin qareenada Maradona ayay ka socon weysay howsha cadeynta iyo baarista DNA-da.
Caruurta Uu Ka Tagay Maradona Ee La Aqoonsan Yahay:
Diego Junior, 34 sanno jirJana, 23 sanno jirDalma, 32 sanno jirGianinna, 30 sanno jirDiego Fernando, todoba jir
Caruurta Lagu Xanto Inuu Maradona Dhalay:
Seddex isku hooyo ah – Joana, Lu iyo JavielitoMagali Gil, 23 sanno jirSantiago Lara, 19 sanno jir