Neymar Jr & Nasser Al-Khalaifi Oo Xalay Daboolka Ka Qaaday Haddii ay
Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa kaddib markii ay PSG xalay tartanka Champions League ka cidhib-tirtay Bayern Munich oo ay kaga aarguteen guul-darradii ay finalkii xilli ciyaareedkii hore u xambaariyeen.
- Advertisement -
Neymar oo dhowaan la sheegay in uu hakiyey qandaraas kordhin uu u samaynayay PSG ayaa waxa uu bixiyey ishaaro ah in uu qalinka u qaadanayo heshiiska cusub ee kooxdiisa, kaas oo uu waqtiga ugu sii dheeraynayo Parc des Princes.
Heshiiska Neymar uu kula jiro PSG ayaa waxa uu ku egyahay xagaaga 2022, waxaana uu xaqiijiyey in aanay ‘arrin dambe ka taagnaan doonin’ heshiis kordhintiisa PSG oo uu aad ugu faraxsan yahay.
Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii xalay, ayuu yidhi: “Heshiis kordhinayta PSG, ma sii ahaanayso mowduuc. Way iska caddahay in aan dareemayo farxad iyo in halan PSG ay tahay hoygaygii. Waan ka farxad badanahay sidii hore.”
Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa isaguna caddeeyey in Neymar iyo Kylian Mbappe aanu midkoodna ka tegi doonin kooxda, waxaana isagoo xalay la hadlayay warbaahinta uu yidhi: “Lacag badan ayaanu ku maalgelinay kooxdan si ay ugu guuleysato Champions League iyo dhamaan koobabka la heli karayo.
“Neymar iyo Kylian ma haystaan wax cudur-daar ah oo ay ku tagaan. Dhab ahaantii waxaanu haysanaa wax kasta oo aanu ugu guuleysan karayno tartamada oo dhan.
“Koox fiican ayaanu haysanaa maanta. Waa in aanu ixtiraamno kooxaha kale, laakiin waanu la tartamaynaa, waananu shaqaynaynaa. Wali ma dhamaanin, waanu sii wadaynaa annagoo deggan sababtoo ah Champions League wali ma dhamaanin, waana in aanu si adag u shaqayno maalin walba.
“Is-aaminaad ayaa taalla halkaa (PSG), sirtuna waa shaqada, faahfaahinta ayaana samaysa isbeddelka.”
Miyuu Mbappe sii joogayaa PSG?
Labada ciyaartoyba waxa ay heshiisyadoodu dhacayaan xagaaga 2022, waxaana u dhow in uu qandaraas cusub saxeexo Neymar marka loo eego Mbappe.
Laacibka reer France ayaa si xooggan loola xidhiidhinayay in uu ka baxayo kooxda, waxaana naadiyada la magacaabayo in uu tegayo safka hore kaga jirta Real Madrid.
Warbaahinta qaarkeed ayaa sheegaysa in Mbappe ay ka go’an tahay in uu rumeeyo riyadii carruurnimadiisa ee ahayd in uu u ciyaaro Real Madrid.