Muxuu Yahay Dhaqanka Ay Leedahay Bayern Munich Ee Uu Toni

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa shaaca ka qaaday dhaqan ay lahayd kooxdiisii hore ee Bayern Munich oo uusan jeclayn xilli uu hadda sanadihii ugu dambeeyay guulo waaweyn la gaadhay kooxda caasimada Spain.

- Advertisement -

Waxa uu nacay Toni Kroos ayaa ah in Bayern Munich oo ah koox ku xoogan arrimaha dhaqanku ay markasta xiddigaheedu casho tagi jireen kaddib kulamada Champions League gaar ahaan marka ay dalalka kale tagaan ee ay martida yihiin.

Toni ayaa sheegay in haatan Real Madrid ay tahay mid sidaas ka duwan oo ay toos guryahooda u kala tagaan kaddib kulamada sidaasina ay tahay qaabka uu isagu doorbidayo.

Kroos oo ka hadlayay barnaamij uu daadihiye ka yahay walaalkii Felix ayaa yidhi “Marka aanu joogno Real Madrid toos ayaanu u tagnaa guryaha kaddib kulamada”

“Markii aan Bayern joogay gabi ahaanba sidaas may ahayn, gaar ahaan kulamada aanu martida nahay ee Yurub markaas oo inta badan aanu wada cashayn jirnay”

“Laakiin waxa jira kulamada qaar aanad kaddib sidaas inaad samayso dareemayn, daacad ahaantii anigu marnaba maan jeclaysan, waxaan in badan doorbidaa waxa aan hadda sameeyo”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More