Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona Oo Talaabo Weyn Laga Qaaday &
Muuq-baahiyaha ree Catalan ee TV3 ayuu kasoo yeedhay struggle ay ku farxeen taageerayaasha kooxda Barcelona isla markaana waran ku ah kooxaha doonayay saxeexa Lionel Messi kaddib markii uu muuq-baahiyahaasi helay xog cusub oo ku saabsan arrimaha mustaqbalka ciyaaryahankaas.
- Advertisement -
Sida lagu sheegay TV3, Messi ayaa talaabo uu kusii joogayo Barcelona horay u qaaday isaga oo intaas ku daray in aabaha ahna wakiilka Messi ee Jorge Messi uu kulan la yeeshay madaxweyne Joan Laporta isla markaana kulankaasi ahaa mid quman oo wanaagsan.
Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimaha heshiis kordhinta Messi ayuu TV3 sheegayaa inuusan wali Laporta wax dalab ah oo xoogan miiska u saarin Messi maadaama oo ay wali sugayaan inay helaan xogta rasmiga ah ee tiro-koobka lacagta taala akoonada kooxda.
TV3 ayaa sheegaya in Lionel Messi uu Barca ka aqbali karo heshiis cusub oo uu mushahar midkiisa haatan ka yar ku qaadanayo isaga oo bedelkiisa saxeexaya qandaraas ka dheer midkii la filayay isla markaana shaqayn doona xataa marka uu kubadda cagta ka fadhiisto.
Heshiiskaas ayaa lamid noqon doona midkii 10-ka sano ahaa ee uu 2017 saxeexay xiddigii hore ee kubadda kolayga ee Barcelona ee Juan Carlos Navarro kaas oo sanadkii xigay ciyaarista kubadda kolayga ka hawl-gabay isla markaana toos ugu biiray shaqaalaha sarre ee kooxda.
Shaqsiyaadka go’aanka Messi doorka ku leh ee ku dhaw dhaw ayaan waxba ka qabin haddii uu Leo saxeexo heshiis uu laba sano oo kale Barcelona kusii joogayo kaddib ugu wareegayo horyaalka MLS ee Maraykanka isla markaana mudada uu Maraykanka ka ciyaarayo uu daljire dalkaas Barca u jooga noqon doono,
Messi oo xagaagii hore isku dayay inuu iskaga tago Barcelona balse uu kahor istaagay madaxweynihii is-casilay ee Josep Maria Bartomeu ayuu heshiiskiisa hadda ee Camp Nou ku eeg-yahay 30-ka bisha June ee sanadkan.