Murashaxa Madaxweynaha Barcelona Ee Joan Laporta Oo Ka

Hadalkii uu Neymar xalay ku sheegay in xili ciyaareedka dambe ay isku koox u ciyaari doonaan Lionel Messi ayaa dhul-gariir ku noqday Barcelona oo marka horeba  khaati ka taagnayd sidii ay ugu qancin lahayd Messi inuu ka laabto go’aankii uu ku gaadhay inuu iskaga tago Camp Nou dhamaadka xili ciyaareedkan.

- Advertisement -

Sida uu qoray wargeyska Diario AS, Barcelona ayaa hadalkan si dhab ah ugu qaadatay inuu kabtankeedu ku adkaysanayo go’aankiisii oo aanu ka laaban doonin, isla markaana ay is ogyihiin Neymar.

Barcelona oo ay doorashada Madaxweynuhu ka dhici doonto bisha January ee foodda inagu soo haysa ayaa waxa ragga tartamaya ku jira Joan Laporta oo ka mid ah ragga ugu cadcad, waxaana waraysi uu siiyey Idaacadda Catalunya Radio uu kaga hadlay heshiiska Lionel Messi iyo hadalka kasoo yeedhay Neymar.

Joan Laporta ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Lionel Messi kalamaan hadal inuu heshiiska cusboonaysiiyo, sababtoo ah, waxaan u baahanahay in marka hore la isiiyo awooddeeda oo la ii doorto Madaxweyne. Miyaanu heshiiskiisa cusboonaysiin karaynaa? Hubaashii, waxa jira xalal qiyaas ah oo Messi kusii hayn karaya kooxda.

“Messi ayaa ah muhiimadda. Dhamaan kooxuhu way jecel yihiin, koox walbana wuxuu u yahay murashax wax walba ku guuleyn karaya, isbeddel ayuu sameeyaa. Waxa kale oo uu muhiimad weyn u leeyahay dhaqaale ahaan. Messi wuu jecel yahay Barcelona, waanu caawin doonaa kooxda haddii mashruucu uu yahay mid habboon.”

Neymar oo muddo afar sannadood ah u ciyaaray Barcelona, weerarkii dilaaga ahaa ee MSN-na la sameeyey Messi iyo Suarez ayaa mugdi badan sii geliyey mustaqbalka Messi ee Barcelona, waxaase Laporta oo u jawaabayay uu yidhi: “Messi wuu joogi doonaa Barcelona haddii uu arko in mashruuc ku habboon uu jiro.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More