Miyuu Edinson Cavani Sabab Dhaawac U Baxay Xalay? Solskjaer

Tababaraha kooxda Manchester United ayuu kasoo yeedhay hadal naxdin ku ah jamaahiirta kooxdiisa kaddib markii uu shaaca ka qaaday inuu weeraryahan Edinson Cavani u bedelay sabab dhaawac ciyaartii West Ham United ee xalay.

- Advertisement -

Man United ayaa qaybtii hore ku dhibtootay kulankii Hammers ay xalay ku booqdeen gegida London Stadium iyadoo looga horreeyay gool uu dhaliyay Tomas Soucek.

Tababaraha ree Norway ayaa wakhtigii nasashada bedelay Cavani iyo Donny Van De Beek isaga oo bedel deg-deg ah ku keenay Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes oo saamayn aad u weyn yeeshay gabi ahaanbana bedelay kulanka.

Solskjaer ayaa sheegay in bedelka uu ku sameeyay Cavani uusan ahayn mid taatiko balse uu ahaa jug gaadhay darteed.

Ole Gunnar oo kulanka kaddib la weydiiyay sababtii uu bedelada u sameeyay ayaa isaga oo Cavani ka hadlayay yidhi “(Sababo) dhaawac, waa nasiib xumo inay ku gaadhaan dhaawacyo muruqa ahi”

“Edi waxa qasab ahayd inuu dhaawac kusoo baxo, waxaan ku rajo weynahay inuusan aad u xumayn dhaawacu, sidoo kale Anthony Martial ayay ahayd inuu soo baxo”

Inuu daqiiqado kaddib bilawga qaybta labaad dhaawac ku baxay Martial ayaa sidoo kale sii laba jibaaraysa madax-xanuunka safka weerarka ee Red Devils kaddib dhaawaca Cavani.

Man United ayaa toddobaadkan kulan guul ama geeri ah la yeelan doonta kooxda ree Germany ee RB Leipzig oo ay ku kala bixi doonaan kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More