Miyay Man United Saxeexa Riyada Ee Cristiano Ronaldo
Waxa sii kordhaya wararka kooxda Manchester United la xidhiidhinaya weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo iyagoo doonaya inay Old Trafford kusoo celiyaan 11 sano kaddib markii ay u fasaxeen dhinaca Real Madrid.
- Advertisement -
35 sano jirkan ayaa la sheegayaa inuu Juventus iskaga baxayo xagaaga soo socda kaddib markii ay soo baxeen warbixino tibaaxaya in Juventus ay doonayso inay meesha ka saarto mushaharkiisa 28-ka Milyan ee Pound ah sanadkii.
Wargeyska ree Portugal ee Record oo ahaa midkii ugu horreeyay ee qarxiyay wararkii sheegayay in Ronaldo uu Real Madrid ku biirayo sanadkii 2009 ayaa haddana war xasaasi ah kasoo saaray suurogalnimada uu kooxdaas ugu laaban karo.
Record ayaa sheegaya in madaxda Man United ay xidhiidh la samaysay wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes iyagoo dalab afka ah sameeyay.
Saamaynta uu keenay dhaqaale ahaan caabuqa Korona ayaa qasbay in kooxaha waaweyn ee ree Yurub ay yareeyaan lacagaha ay suuqa ku bixinayaan iyo waliba inay qaarkood mushahar dhimis ku sameeyaan ciyaaryahanadooda Juventus-na waxba kagama duwana kooxaha kale.
Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan Bianconeri iyo guud ahaan Serie A oo dhan isaga oo qaata afar jibaarka xiddiga ugu soo dhaw ee Matthijs De Ligt iyo shan jibaarka Paulo Dybala.
Heshiiska CR7 uu imika ku joogo Allianz Stadium ayaa ah mid dhacaya sanadka 2022 mana aha ciyaaryahanku mid ku faraxsan qaabka gaabiska ah ee ay kooxdiisu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.
Jamaahiirta Man United ayaa aad u jeclaa Ronaldo wakhtigiisii Man United waxaana shaki la’aan ah in badankoodu ay jeclaan lahaayeen inuu kusoo laabto Manchester.