Miyaad Tahay Tababaraha Ku Haboon Arsenal? Arteta Oo Xalay Su’aashan

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la weydiiyay haddiiba uu yahay tababaraha ku haboon kooxda uu maamulka u yahay ee Arsenal kaddib markii ay xalay qaab qalbi-jab ah uga hadheen UEFA Europa League.

- Advertisement -

Arsenal ayaa sidii ugu xumayd ee ay filan karaysay uga hadhay Europa League maadaama oo uu tababarihii ay shaqada ka caydhisay Mikel Arteta kahor ee Unai Emery hoggaan u ahaa Villarreal oo tartanka Emirates kaga cidhib tirtay.

Arsenal ayaa qarka u saaran inay xilli ciyaareedkeedii ugu horreeyay ee aysan tartan Yurub ah ciyaarayn gasho 2021-22 kaddib mudo 25 sano ah oo ay si xidhiidh ah usoo ciyaarayeen.

Gunners ayaa ciyaartii hore guuldarro 2-1 ah lasoo kulmay waxaana ay u baahnaayeen kaliya hal gool si ay sharciga goolasha ugu soo baxaan Last-ka balse Emery ayaa dubtay sidaasna ku gaadhay Last-ka tartanka uu jecel yahay.

Manchester United ayaa ah kooxda Last-ka ku sugaysa Villarreal iyadoo hadhitaanka Arsenal uu meesha ka saaray in kulamada kama dambaysta ah ee Champions League iyo Europa League ay dhammaan kooxo English ahi iskugu yimaadaan.

Haddaba, Arteta oo la weydiiyay haddii uu wali yahay mid awood u leh shaqada Arsenal ee uu hadda hayo ayaa yidhi oo ku jawaabay “Haa”, markale oo la weydiiyay haddii uu dareemayo in booskiisa uu cadaadis ku saaran yahay ayuu Arteta yidhi “Waxaan filayaa in qofkasta shaqadiisa culays ku saaran yahay”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More