“Miyaad Doonaysaa In Ronaldo Diyaar U Noqdo Kulanka
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay haddiiba uu doonayo in ninka ay saaxada ugu sarreysa kubadda cagta mudada dheer kusoo loolamayeen ee Cristiano Ronaldo uu diyaar u noqdo kulanka adag ee ay toddobaadka dambe Juventus booqanayaan.
- Advertisement -
35 sano jirkaas ayaa ahaa mid markasta iska inkira da’diisa weyn oo hoggaan u ahaa Juventus balse waxa jirta suurogalnimo aad u sarreysa oo uu kaga maqnaan karo ciyaarta Barcelona kaddib markii laga helay xanuunka Korona.
Juventus ayaa aad u doonaysa in Ronaldo uu uga qayb qaato kulankaas haddiiba tijaabada caafimaad ee kale ee laga qaado lagaga waayo xanuunka.
Warbixin uu shalay soo saaray wargeyska Marca ayaa sheegaysay inay hadda hubaal tahay in CR7 uu ka maqnaan doono ciyaarta Barcelona sababtoo ah in tijaabadii ugu dambaysay ee laga qaaday ay sheegayso in wali xanuunku hayo.
Haddaba, Messi oo haatan la weydiiyay arrimaha Ronaldo ayaa si cad u sheegay rabitaankiisa ah inuu ciyaarta Arbacada dambe Allianz Stadium kaga hortago kabtanka Portugal.
Sidoo kale Leo ayaa qirtay in kulanka ay berri kooxdiisu ciyaarayso ee El-Clasico uu ahaa mid ka xiise badan sida uu haatan yahay markii uu Ronaldo qayb ka ahaa Real Madrid.
“Messi oo il-wareedka DAZN u warramay ayaa yidhi “Sida iska cad markii uu Cristiano u ciyaarayay Real Madrid kulamadu waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah, kulamada aanu iyaga kaga hortagaynaa markasta waa sidaas laakiin marka uu Cristiano garoonka joogo waxay u ekayeen muhiimad gaara leh”
“Arbacada waxaanu geli karnaa loolankaas waxaananu rajaynaynaa in Cristiano uu halkaas joogi karo oo uu dhakhso uga soo kaban doono Koofidh”