Mid Kamida Xiddigaha Barcelona Oo Dhaawacmay Kahor Kulanka
Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ku dhawaaqday war aan u wanaagsanayn jamaahiirteeda iyadoo shaacisay inuu dhaawac soo gaadhay garabkeeda weerar ee Ousmane Dembele oo xilli ciyaareedkan u muuqday mid sidii hore ka wanaagsan.
- Advertisement -
Dhaawaca Dembele ayaa sii laba jibaaraya madax xanuunka Barcelona ee kaddib natiijadii guuldarrada ahayd ee ay xalay kala soo laabatay kooxda horyaalka ku cusub ee Cadiz.
Dembele oo ahaa mid ay dhaawacyo dishoodeen tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayuu dhaawaca markan gaadhay yahay mid muruqa ah.
Warbixin rasmi ah oo ay Barcelona imika soo saartay ayaa lagu sheegay in dhaawaca Dembele yahay mid muruqa bawdada midig ah sidoo kalena ay soo kabashadiisu qeexi doonto marka la heli karo ee dib loogu xulan doono shaxda.
Ousmane ayaa bedel ku yimid ciyaartii Cadiz ee xalay waxaana uu ka qayb qaatay kaliya 12 daqiiqo, xilli ciyaareedkan ayuu ilaa hadda 12 kulan guud ahaan kasoo muuqday isaga oo 4 gool soo dhaliyay.
Barcelona ayaa Salaasada toddobaadkan kulan xiiso badan oo Champions League ah soo dhawayn doonta dhigeeda Juventus xilli ay soo guuleysteen dhammaan shantii kulan ee hore ee ay heerka Group-yada kasoo ciyaareen.