Michael Owens saadaashiisa Premier League
Michael Owen ayaa aaminsan in Liverpool ay garaaci doonto Tottenham habeenka Arbacada kulanka weyn ee ka dhacaya Anfield.
- Advertisement -
Labada koox ayaa isku dhibco ah hogaamiyaasha horyaalka, iyadoo Spurs ay ku jirto kaalinta koowaad maxaa yeelay waxay ku kala duwan yihiin goolasha marka loo eego Reds.
Owen ayaa rumeysan in kooxdiisii hore ee Liverpool ay hoggaanka qaban doonto dhammaadka xilli ciyaareedkaan, wuxuuna rajeynayaa inay guul xiiso leh oo 2-1 ah ka gaaraan Liverpool.
Chelsea oo caawa martigalin doonta kooxda Wolves ayaa lafilayaa inay 2-0 ku badiso isla markaana ay kusoo laabato wadada guusha.
Manchester City ayaa caawa martigelin doonta West Brom iyadoo Owen uu saadaaliyay inay 4-0 ku xasuuqi doonaan West Brom.
Laakiin wuxuu rajo xumo kale u saadaaliyay Arsenal oo marti galin doonta Southampton habeenka sabtida, wuxuuna saadaaliyay barbaro goolal la’aan ah.
Manchester United ayaa u safreysa Sheffield United waxayna saadaalisay guul 1-0 ah.
Saadaalinta Michael Owen
Wolves 0-2 Chelsea
Manchester City 4-0 West Brom
Leeds 1-1 Newcastle
Arsenal 1-1 Southampton
Leicester 2-1 Everton
Fulham 2-2 Brighton
Liverpool 2-1 Tottenham
West Ham 2-1 Crystal Palace
Aston Villa 1-1 Burnley
Sheffield United 0-1 Manchester United