Maxay tahay Madasha Badbaado Qaran ee looga dhawaaqay Muqdisho?
Madasha Badbaado Qaran (MBQ) oo dhismaheedu socday muddo kudhow 2 todobaad ayaa maanta Khamiis-18-March-2021 waxa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Ujeeddada madasha Badbaado Qaran waxa ay ka kooban tahay 3 Qodob oo kala ah:
- Advertisement -
In Dalka ay ka dhacdo doorasho Wada-ogol ah
Badbaadinta Qaranimada, Midnimada, Wadajirka & horumarka laga gaaray Nabadda iyo geedi-socodka dhismaha dowladnimada dalka
illaalinta xasiloonida siyaasadeed iyo Amniga dalka guud ahaan iyo Amniga qabsoomidda Doorashada
Sidoo kale Bayaanka MBQ waxa lagu xusay in xubnaha madashu yihiin golaha Siyaasadda Somaliland, Midowga Musharixiinta & DG Puntland & Jubbaland
Halkan ka aqri bayaanka Madasha Badbaado Qaran