Maxaa ka jira in ciidanka Itoobiya ay dhexdooda ku

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ka socda dalka Ethiopia ee ku sugan saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ay ku dhex dagaalameen gudaha saldhigaas.

- Advertisement -

Askari ka tirsan ciidamadaas oo la sheegay inuu ka soo jeedo qowmiyada TIgrey ayaa diley labo askari oo ka tirsan ciidamada ku sugan saldhigga isagiina markii dambe la diley, sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka amaanka ah oo ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka u dambeeyey ee ka imanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in weli ay ka jirto shaqaaqo saldhigga ciidamada Ethiopia ee deegaanka Halgan, isla markaana saraakiisha AMISOM ay isku dayayaan in ay dajiyaan xaaladda ka soo korortay saldhiga ciidanka Itoobiya.

Khilaafka u dhexeeya ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa salka ku haya weerrarka ay ciidamada Ethiopia ku qaadeen gobolka ay degaan qowmiyada Tigrey.

Xukumadda Abiy Axmed ayaa horay hubka dhigis iyo xil ka xayuubin ku sameeyay saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya sababo la xiriira dagaalka ka dhacay gobolka Waqooyiga Itoobiya oo ay dagaan qowmiyada Tigreega.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More