Maxaa ka dhacay qolka labiska Manchester United ka dib

Bruno Fernandes ayaa aaminsan in ciyaartoyda Manchester United ay bilaabayaan inay helaan maskaxda ay ku guuleystaan, isagoo tixraacaya falcelinta ciyaartoyda ee qolka labiska ka dib barbarihii ay la galeen Leicester.

- Advertisement -

Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay United kulankii ka dhacay King Power Stadium, laakiin waxaa carqaladeeyay Harvey Barnes kaasoo sideed daqiiqo kadib barbareeyay. United ayaa mar kale hogaanka qabatay ciyaarta oo 11 daqiiqo ka harsan tahay, waxaana u dhaliyay Bruno Fernandes, laakiin waxaa laga diiday shan daqiiqo ka dib markii Jamie Vardy uu kubad leexsaday uu u bedelay Axel Tuanzebe. .

Guul ayaa ka caawin laheyd Manchester United inay ku dhameysato kaalinta labaad ee Premier League, laakiin taa badalkeeda waxay soo afjartay 10 kulan oo isku xigta oo ay ku badisay iyaaga oo ka maqaan minankeeda garoonkeeda Old Trafford.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ee ay ciyaartoydu qolka lebbiska soo galeen, waxa ka muuqday murugo, balse Bruno Fernandes ayaa isagu faraxsanaa.

Bruno Fernandes oo ka faallooda wixii ka dhacay qolka labiska ayaa yidhi: “Way fiicantahay in la niyad jabo, aad ayaan u farxay markii aan galay qolka labiska oo aan arkay in qof walbaa niyad jabsan yahay oo aan ku idhi waa inaan si fiican u qabanaa waxyaabaha qaarkood, sababta ayaa ah waxaan bilaabaynaa abuur maskax guuleysata, laakiin hadda kuma faraxsani dhibicdan. ”

Manchester United ayaa weli ku jirta kaalinta seddexaad ee Premier League, iyadoo hal dhibic ka hooseysa Leicester City iyo afar dhibcood ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, kuwaasoo ciyaaraya Axada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More