Maxaa ka cusub kulamada looga hadlayo arrimaha

Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada & Beesha Caalamka ayaa isku fahmi waayay qaabka loo furayo Shirka looga hadlayo arrimaha Doorashooyinka, qodobada lagu bilaabayo, qaabka Hogaamiyayaasha Federaalka ay ugu biirayaan & muddada uu soconayo.

- Advertisement -

Ilo ku dhaw Shirka ayaa Axadle usheegay in kulamada gaar-gaarka ah ay sii soconayaan ilaa inta ay isla fahmayaan qodobada muhiimka ah iyo sida loo kala hormarinayo si dedaallada maalmihii lasoo dhaafay la geliyay fadhiyada looga dhowro kala tag & Khilaaf horleh.

Kulamo gaar-gaar ah oo ay sameeyeen Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada oo xalay soo gaaray xili dambe ayaa lagu guuldareystay in la raadiyo xal kale sida ay Axadle u xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaana loo ballamay in maanta markale ay fadhiistaan Madaxweynayaasha DG & Beesha Caalamka.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya oo kamid ah dhinacyada dedaalka xooggan gelinaya ka gungaarista shirarka socda ayaa bogaadiyay in wadahadalka uu sii socdo si ficil loogu rogo heshiiska Doorashooyinka laga gaaray 17-kii September 2020.

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka baaqday ka qaybgalka kulankii shalay oo lagu waday in uu ku biiro si uu qayb uga noqdo wadahadalka siyaasadeed ee xalka looga gaarayo muranka hortaagan Doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dhabbaha wadahadalka uu sal u yahay heshiiska 17-ka September 2020, go’aanka Guddiga farsamo ee Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir ku gaareen Baydhabo 16-kii Febaraayo 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More